
Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ugu biiray Al-Shabaab kadib 100 maalmood oo la la’aa halka uu jaan iyo cirib uu dhigay.
Nageeye ayaa kasoo muuqday wareysi ay ka qaaday warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab, isaga oo si rasmi ah u caddeeyay inuu ku biiray kooxda.
Mar uu ka hadlayay sababta uu ugu biiristiisa Al-Shabaab ayuu sheegay inay la xiriirto mabda’ oo uu kula jaal noqday ururkan sida weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.
https://youtu.be/KNbRS7qbrxc?t=171
Sidoo kale Tan iyo markii la waayay Abwaan Nageeye ayaa waxaa soo baxayay tuhuno la xiriira inuu ku biiray Al-Shabaab, balse hadda ayuu si rasmi ah u caddeeyay ku biiristiisa kooxdaasi.
Office Nairobi Kenya