Wararka ka imaanaya Koonfurta Gaaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay xalay howlgallo ka sameeyay magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay howlgalladan ku qabtay laba gaari oo kuwa dadweyne ah, isla markaana sahay u wadday kooxda oo dib u qabsatay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
“Ciidanka Booliska Degmada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay labo gaari oo BL ah, kuwaas oo urarnaa Kooxda Khawarijta AS” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka degmada.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in gaadiidkan ay wadeen daawo iyo cunno loo waaday dhanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Labada gaari ayaa lagu qabtay koontarool lagu hubiyo gaadiidka, iyaga oo kusii jeeday dhanka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Muqdisho