September 14, 2025

Waxaa magaalada Muqdisho Ciidamada booliska gobolka Banaadir ay  xalay  Xabsiga dhigeen  Hanad C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano (Waa Gariiray), kaas oo kamid ah dhalinyarada isticmaala baraha bulshada.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Hanad Waa Gariiray ay soo xireen ciidanka, iyaga oo gudanayo waajibaadkooda ilaalinta sharciga.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhiga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed(Waa Gariiray)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku faafin jiray muuqaallo anshax darro ah, isla markaana sidaas loo soo xiray, si tallaabo looga qaado.

Waa Gariiray ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok ugu baahiyay muuqaallo uu xiran yahay dharka dumarka iyo isaga oo sameynayo waxyaabo kale oo anshax darro ah, taas oo ay dad badan dhibsadeen waxayna soo dadajisay inay soo xiraan ciidanka Booliska.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply