September 14, 2025

Shir madaxeed ku saabsan la dagaalanka argagixisada ayaa hadda ka socda caasimadda Nigeria ee Abuja. Kulanka ayaa ah isku day cusub oo lagu doonayo in wax looga qabanayo argagixisada guud ahaan Afrika.

Shir madaxeedkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo waddamo badan oo Afrika ku yaalla ay weli ka jiraan dhibaatooyin baahsan oo ay ku hayaan kooxaha jihaad doonka ah iyo burcadda, gaar ahaan guud ahaan gobolka Saaxil.

Madaxda khudbado ka jeedin doonto shirkan waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, Madaxweynaha ECOWAS Cumar Touray iyo Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu, oo dowladdiisu ay la daalaa dhacayso ammaan darro baahsan.

Shir madaxeedka ay Nigeria martigelisay oo ay taageerto xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka argagixisada (UNOCT) ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dalkaasi ay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonaan ka dib markii lix askari lagu dilay weerar gaadmo ah xilli ay ka jawaabayeen baaq ka soo yeedhay gobolka Waqooyi-dhexe ee Niger.

Ciidamada ayaa sheegay in argagixisadu ay mas’uul ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday ciidamadooda gobolka Niger habeenkii Jimcaha. Dalka waxaa sidoo kale ka jira rabshado baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah geysta afduubyo madax furasho ah.

Madaxweynayaasha Ghana iyo Togo ayaa iyaguna shirka ka qayb galayo.Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galaya saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ka socda Midowga Yurub iyo wadamada kale ee Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply