Daadad ay dad badan ku barakaceen ayaa dhibaato ba’an ku haya qeybo badan oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika kuwaas oo ay ku soo wajahan yihiin roobab mahiigaan ah.
Tirada dadka ay saameeyeen daadad xilliyeedka Bariga Afrika ayaa kor u kacday in ka badan shan laab afar sano gudahood, sida lagu sheegay tirokoobka Qaramada Midoobay.
Ku dhawaad lix milyan oo qof ayaa sanadkan ay saameysay iyadoo 1.5 milyan oo ka mid ah ay guryahooda ka qaxeen.
Qeybo ka mid ah gobolka ayaa laga diiwaan geliyay roobabkii ugu xoogganaa muddo qarni ah.
Dalka Burundi ayaa ku baaqay gargaar caalami ah si wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.
Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan roobab mahiigaan ah oo todobaadkan ka da’i doona guud ahaan dalka.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa iyaduna sidoo kale sheegtay in la filayo in dalka ay ka dhacaan fatahaado xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo kor u kaca heerka biyaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba.
Xafiiska wararka Muqdisho