September 14, 2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee (SoDMA) ayaa guul wayn ka gaartay loollan loo galay doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Hay’adda ayaa ku guuleeysatay doorashada xubin ka mid ah xubnaha maamulka hay’adda African Risk Capacity ARC Saddexda sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki).

Waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka ururkaan tan iyo markii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sannadkii 2021.

Shirkan aya ahaa kii 14aad ee shirweynaha sannadlahaah ee ay isugu yimaadaan waddamada xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan maareeynta khataraha musiibooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shirkaasi ka qeybgalay, kaas oo ka dhacay xarunta Ururka Midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa.

Sidoo kale Shirka ayaa ah shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan waddamada xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareynta Khataraha Musiibooyinka.

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply