Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Catriona Laing oo xilka ka sii dagaysa ayaa kulamo la yeelatay madaxda maamul Goboleedyada, waxayna shalay la kulantay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha UN-ka ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle.
Waxa kale oo ay sheegtay inay u diyaar-garoobeen cabsida Elnino ee ku aadan xilliga roobka Gu-ga oo iminka ka curtay degmooyinka Hirshabeelle.
“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”
Sidoo kale Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Amb. Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto.
Xafiiska wararka muqdisho