Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax galab lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.
Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garasbaaley ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya illaa iyo 6 ruux isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Hormuud ayaa lagu shaaciyay magacyada shaqaalaha ku dhintay weerarkaasi qaraxa ah, ayada oo sidoo kale tacsi loo diray ehelladooda.
Hoos ka aqriso Warsaxaafadeedka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom
Xafiiska Wararka Muqdisho