September 14, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay xalay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya ciidan ka tirsan kuwa nabadsugidda ee NISA iyo Ciidan uu lahaa sarkaal ka tirsan Milatariga.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii  ciidan ka tirsan kuwa nabadsugidda ee NISA ay weerar ku qaadeen guri uu degmada Boondheere ka degan yahay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka militariga.

Dagaal socday in ka badan nus saac ayaa goobta ka dhacay iyadoo dadweynaha xaafadaha ku sugnaa iyo suuqa degmada oo aad loo buuxay lagu kala cararay.

Sidoo Labada koox ayaa is weydaarsaday hub culus sida qoriga Dhashiikaha iyo BKM. Waxaana goobjoogayaashu ay sheegeen in gurmad ay kala heleen labada garab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in sarkaalka lagu weeraray guriga oo lagu magacaabo Sayid Cali Cabdi uu soo gaaray dhaawac aan la hubin inta uu gaarsiisan yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply