September 15, 2025

 

24 saac  kadib Markii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku Dileen Qarax qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa ka hadlay arintaas Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala  ayaa dusha u saaray Mas’uuliyada Qaraxaas, waxa uuna ku Hanjabay inay eedi doonaan Al-shabaab Qaraxaas.

Sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala  ayaa sheegay in lagu raad joogo dadkii ka dambeeyay qaraxii galaaftay nolosha lix qof oo ka tirsanaa shaqaallaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaas oo shalay duleedka Muqdisho qarax waddada dhinaceeda la dhigay uu haleellay gaari ay la socdeen.

Dawladda ayaa ku eedeysay Al-shabaab in ay ka dambeysay qaraxa lagu dilay shaqaallaha Hormuud, balse Shabaabku ma aysan sheegan dhacdadan.

Xafiiska Wararka  Muqdisho

Leave a Reply