
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhasahay dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray daraad waqooyiga gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu u dhaxeeyay maleeshiyaad kasoo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale, waxaana dagaalka uu salka ku hayaa aargoosi beeleed iyo muran ka dhashay deegaanka.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa soo dhexgalay, waxaana ku guuleystay in la joojiyo rasaasta, iyadoo la kala qaaday maleeshiyaadkii dagaalamay. Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in labada maleeshiyo ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Sidoo kale Labo bilood ka hor ayay aheyd markii weerar aargoosi ah oo ka dhacay deegaanka Lanqeylo ee gobolka Galgaduud lagu dilay oday caan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Daahir Daa’uud.
.
Xafiiska Wararka Muqdisho