October 30, 2025

Warar  dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo  xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Sidoo kale  war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga deegaanka Sabiid, isla markaana ay ku jabiyeen dagaalka ay la galeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply