Wararka ka imaanaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya Maamulka degmada iyo xubno ka socda Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa ka wada magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, hawl cara tuur iyo xiritaan loogu sameynayo qarqarrada ay ka jilicsan yihiin webiyada Juba iyo Daawo ee mara magaaladaasi.
Sadaasha ayaa sheegaysa roobbab mahiigaana in ay ka di’i donaan Soomaaliya todobaadyada soo socda, waxana biyo badan sida webiyada mara Soomaaliya, taasina waxa ay kordhisay baqdin la xiriirta in gobollada qaar ay fatahaad ka dhacdo.
Kumannaan jawaan ayaa loo qaybiyay dadka degan hareerraha webiyada magaalada Doolow sida ay sheegtay Hay’adda maaraynta Musiibooyinka.
Soomaaliya dhammaad kii sanad kii hore fatahaad aan horey loo arag muddo dhawr iyo labaatan sano ah ayaa ka dhacday, waxana gaaray khasaare naf iyo maalba leh.
Digniinnaha cusub ayaa ugu baaqaya in dadku taxadaraan, gaar ahaan kuwa ku nool webiyada hareerrahooda, xiligan oo uu curtay roobka guga.
Xafiiska wararka muqdisho