November 1, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kadib markii dagaal uu ka dhacay  degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac ah.

Dagaalkan oo udhaxeeyo Ciidamada dowlada iyo dadka deegaanka ayaa ka biloowday kadib markii Askar ka tirsan Ciidamada uu ku amray qof kamid ah dadka deegaanka in qoray uu wato uu dhulka dhigo, waxaana arintaas ka biyo diiday qofkii deegaanka ahaa sidaas ayuuna dagaalka ku biloowday.

Ciidamada Cali binnu dhaalib iyo kuwa deegaanka ayuu dagaal Saacado qaatay waxaa uu ku dhax maray degmadaas, waxaana ilaa 2 qof oo shacab ah oo dhawac kala duwan qabo la geeyay isbitaalka Guud ee degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Waxaa Jiro Khasaaro dhankooda Gaaray Ciidamada dowlada , lakiin ilaa iyo hada ma Cada Khasaaraha Rasmiga ah

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada dowlada ay Hoobiyaal ku garaaceeyn Xaafadaha degmada Maxaas inta uu dagaalka Socday.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo ka hadlay dagaalkasa ayaa sheegay in la kala dhax-galay Dhinacyadii ku galaamay Degmadaasi, isla markaana hada lagu jiro xalintooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply