September 14, 2025

Waraka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe  ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka al-shabaab duqayn lagu laayay degmada Ruun-nirgood  xarun ay ku sugnaayeen Xiligaas.

Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe Muxyadiin Maxamuud Kulmiye ayaa faahfaahin dheeraad ah ah ka bixiyay duqeymo Arbacadii ka dhacay gudaha degmadaas iyo deegaanada hoostaga.

Muxyadiin ayaa sheegay  in duqeynta si gaar ah looa beegsaday xarunta degmada Ruun-nirgood, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in halkaas lagu gaarsiiyay jab xoogan iyo khasaare kala duwan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la beegsanayay ay degmada ku qaadayeen lacag, taas oo ay ka aruurinayeen shacabka degaanka iyo gaadiidka isticmaala halkaasi.

Guddoomiyaha dgemada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan cirka ah lagu lagu dilay xubna Shabaab ahaa, laguna dhaawacay kuwa kale.

 

Wararka ka imaanaya saakay halkaas ayaa sheegaya Xaaladda ay tahay mid wali kacsan  waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aaga degmada Ruun-nirgoodiyo dhilka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

 

Xafiiska wararka muqdisho

Leave a Reply