Xili maanta dunida laga xusayo maalinta caalamiga ah ee xanuunka duumada, khubarada ayaa ka digaysa in uu faafo sababbo la xiriira isbadalka cimilada dunida.
Khubarada ayaa ka cabsi qaba in cudurka ku faafo wadamo aanu horey uga jirin.
Dr Islaam Cannaan oo ah bare ka tirsan qaybta cudurrada faafa ee Jaamacadda Qaahira ayaa sheegay in cilmi baarisyo la sameeyay ay muujinayaan haddii uu heer kulka dunidu siyaado boqolkiiba hal sanad ka 2030 ka in sidoo kale ay kordhi doonta dadka uu asiibayo xanuunka duumada.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Mifoobay 2023 kii ayay ku sheegtay in sanad kii 2022 la diiwaan galiyay 249 milyan oo qof oo laga helay fayraska Maleeriyada, tiiyoo 608,000 ay u dhinteen, kuwaas oo ku kala noolaa 85 wadan oo caalamka ah.
Xafiiska wararka muqdisho