Komishanka doorashooyinka Somaliland oo soo saaray liiska dadka codbiyayaasha ah ee la filayo in ay ka qayb galaan labada doorasho ee ta madaxtooyada iyo midda ururarda oo la filayo in ay isku maalin ka dhacaan 13ka November ee Sannadkan Somaliland.
Doorashadan oo in la isla fahmo habka loo qabanayo ay qaadatay muran dhowr sannadood ah, ayaa markii ugu horraysay u muuqata mid kasoo gudubtay muran sharci iyo madmadow laga dayriyo.
Komishanka doorashooyinka ayaa darraad si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta doorashada madaxtooyada iyo midda ururada la gelayaa ay noqonaysp 13 ka bisha November.
Shalayna, madaxweynaha Somaliland ayaa isna saxeexay nuqulkaas doorashada lagu cayimayo oo komisanku usoo gudbiyeen.
Maantana liiska codbixiyayaasha doorashada soo socota ayaa ay soosaareen komishankii, iyaga oo la socodsiiyay xisbiyada iyo ururada tartamayaasha ah.
Waa tallaabooyin si degdeg ah oo ka duwan sidii hore, loogu qaadayo dhanka qabsoomidda labo doorasho.
Sidoo kale waxa xusid mudan in dhaqaalihii lagu qaban lahaa aanu wali komishanku gacanta ku haynin, inkasta oo ay niyad wanaag ku qabaan in ay wakhti dhow ka helaan dawladda iyo deeqbixiyayaasha oo midba qayb bixiyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho