Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.
Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.
Xafiiska Wararka Muqdisho
