Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada.
Sidoo kale Xamsa ayaa ku tilmaamay ahmiyada ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho