October 30, 2025

 

 

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dusha sare ee Markab taagan xeebta Muqdisho uga qeyb galay kulan muhiim ah oo warbixin looga siiyey hanaanka uu u socdo tababarka ciidamada badda Soomaaliya iyo howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayey Markab taagan xeebaha Soomaaliya saraakiil ka tirsan Hawlgalka Atalanta, ayaa uga mahadceliyey taageeradooda muhiimka ah, si looga difaaco xeebaha dalkeenna danbiilayaasha ka fuliya falalka sharci darrada ah.

Xamza Barre ayaa tilmaamay muhiimdda ay leedahay in la kobciyo awoodaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan, ulana wareegaan amniga guud ee ilaalinta iyo difaaca Badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo daawaday dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka.

Wuxuu sheegay in indhihiisa uu ku soo arkay ciidamo Soomaaliyeed oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha dalka.

“Tan iyo 2008, Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya, taas oo muhiim u ahayd ka hortagga burcad-badeednimada, hubinta badbaadada maraakiibta, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dembiyada ka dhaca badda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply