October 30, 2025

TV-ga dowladda ee dalka Maali ayaa sheegay in taliye sare oo ka tirsan kooxda Daacish oo madaxiisa ay dul saarneyd lacag dhan $5m (£4m) ay dileen ciidamo ka kala socda Mali, Burkina Faso iyo Niger.

Abu Huzeifa ayaa lala xiriiriyay dhowr weerar oo caan ah oo ka dhacay gobolka saxaraha ee Saaxil.

Waxaa ka mid ahaa weerar sanadkii 2017-kii lagu dilay afar askari oo Mareykan ah iyo ciidamo badan oo Niger ka tirsan.

Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa dhamaantood la kulmay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ay geysteen dagaalyahanada jihaad doonka ah.

Saddexda waddanba waxa ay ku hoos jiraan xukun milatari waxana ay xiriir dhaw la samaynayeen Ruushka halka ay xiriirka u jareen xulafada reer galbeedka oo uu Maraykanku ka mid yahay.

Waxay soo dhaweynayeen caawinta militariga Ruushka halka ay ku qasbeen ciidamada dalal kale inay ka baxaan.

Abu Huzeifa, oo sidoo kale loo yaqaannay Higgo, ayaa lagu sheegay warbixinta oo laga sii daayay TV-ga qaranka Mali inuu u dhashay Morocco, isla markaana uu taliye ka ahaa gobolka saxaraha ee Saaxil ee ay IS u magacawday.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hufeiza loo doonayay weerar lagu qaaday koox ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee ku suganaa Niger sanadkii 2017-kii, kaasoo sababay dhimashada afar askari oo Mareykan ah iyo afar Niger ah.

IS ayaa markii dambe sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply