
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Fal caawa Bacdul maqrib ka dhacay xerada militeriga Soomaaliya Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kadib markii askari ka tirsan Ciidanka uu fuliyay Weerarka.
Askari ka tirsan ciidan cusub oo tababar uga socday xerada militeriga Soomaaliya Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa caawa fuliyey weerar halis badan, kadib markii uu laayey saraakiil iyo askar kale.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarkii uu fuliyey askarigaas uu gaarayo in ka badan 10 qof oo saraakiil iyo askar isugu jira.
Sidoo kale wararku waxay intaas ku sii dareysaa in saraakiil Imaaraadka u dhashay oo macalimiin tababar ka ahaa xerada ay ku jiraan ragga uu laayey askarigaas, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah.
Kala soco Boggan wixii ku soo kordha arintaas
Office Nairobi Kenya