
Wasiirka Shaqada XFS Maxamed Cilmi Ibraahim oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labadii samo ee u dambeeyay ay dowladdu xoogga saartay Sidii loo sameyn lahaa shaqo abuur ay inta badan ka faa’ideysteen dhallinyarada wax baratay ee ku sugan dalka.
“Kawarheynta Shaqaalaha Soomaaliyeed dowladda waxay u tahay mid ahmiyad gaar ah u leh,sidaa daraadeed waa muhiim in kor loo qaado aqoonta iyo tababaridda shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku.
Wasiir Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa xusay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dabasocod joogto ah, tababar joogto ah,ja warqab joogto aj iyo tirokoob joogto ah si looga miro dhaliyo ayuu yiri hadafka ama qorshaha dowladda ee ku aadan xaaladaha shaqaalaha
Xafiiska Wararka Muqdisho