Muddo ku dhow saddex bilood, Adnan El-Bursh wuxuu kasoo warramayey dagaalka Gaza isagoo ku nool teendho, isaga oo wax cunayey hal mar maalintii, isaga oo la halgamayey sidii uu u ilaalin lahaa badqabka xaaskiisa iyo shan carruur ah. Weriyaha BBC-da ee Carabiga wuxuu nala wadaagayaa waqtiyo murugo leh oo uu la kulmay isagoo ka warramaya dagaal ka dhaafay xadkiisa.
Mid ka mid ah waqtiyadii ugu xumaa lixdii bilood ee la soo dhaafay waxay ahayd habeenkii aan dhammaanteen seexannay waddada. Waxaan eegay wejiyada xaaskayga iyo carruurtayda, anigoo ku haray qabowga adag ee Khan Younis ee koonfurta Gaza, waxaan dareemay cidla.
Mataanahayga oo 19 jir ah, Zakiya iyo Batuul, ayaa laamiga dhinaciisa jiifay, inantayda, Yumna, oo 14 jir ah, wiilkayga Maxamed, oo siddeed jir ah iyo inantayda iigu yar, Razan, oo shan jir ah iyo hooyadood, Zaynab.
Markii aan isku daynay in aan ku nasanno bannaanka hore ee xarunta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, waxaa habeenkii dhacayay dhawaaqa madaafiicda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droonska.
Waxaan ku guuleysanay inaan helno guri kiro ah, laakiin milkiilaha ayaa isoo wacay goor hore maalintaas, isagoo sheegay in milatariga Israel ay uga digeen in dhismaha la duqeeyo. Wakhtigaas waan shaqaynayay, laakiin reerkaygu waxay qaateen boorsooyinkoodii wayna carareen.
Xafiiska Wararka Muqdisho