Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markale xoojiyay in howlgal military laga fulinayo magaalada Rafax ee waqooyiga Gaza oo in ka badan hal milyan oo qaxooti ah joogaan.
Netanyahu wuxuu sheegay in wax cadaadis caalami ah aysan ka joojin karin Israel in ay gaarto ujeedooyinkeeda dagaalka ay kula jirto Xamaas.
Hadalkiisa u dambeeyay ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo aaday iyadoo la filayay in wadaxaajoodyada xabad joojinta lagu gaarayo ay maanta dib uga bilowdaan dalka Qatar.
Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ku hakaday Baxreyn si uu ugala hadlo dadaalada heshiis lagu gaari karo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.