July 17, 2025

Madaxa ururka duuliyayaasha Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in uusan raaceyn diyaaradda hadii aysan badqabin.

Wuxuu sheegay in uusan u qaadaneyn wax joogta ah tayada diyaaradda uu ku duulayo.

“Markasta feejignaan ayaan ku jiraa sida qof waligii aan raacin diyaaradda Boeing” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in uusan aamineyn in ay raaceen wixii markii hore badqabka ka dhigayay diyaaradda in ka badan 30 sano.

Maalin kasta waxay u muuqtaa in shirkadda laga qorayo warar aan wanaagsaneyn. Taasna waxay cadaadis saartay shirkadda iyo kuwa shuruucda u dajiya. Sumcadda shirkadda waxaa soo gaaray dhaawac weyn.

Dhibaatada ayaa bilaabatay markii diyaarad cusub uu furtay albaabka xaaladaha degdegga loo isticmaalo waxyar kaddib markii ay kacday.

Shan sano ka hor waxay la kulantay diyaaradda fadeexad weyn kaddib markii labo diyaaradood oo cusub oo noocoodu ahaa 737 Max ay galeen shilal isku mid ah waxaana ku dhintay 346 qof.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

 

Leave a Reply