September 14, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya saakay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe  oo uu ka socdo dagaallo beeleedyadii ka socday halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku fiday Deegaano hor leh, Dadka deegaanka ayaa sheegay in miliishiyo beeleedyo hubeysan ay ku dagaalameen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo kala kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ku dhawaad  lix qof ayaa ku dhintay dagaalka, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Dibu-heshiisiinta Maamulka Hirshabeelle Cabdillaahi Maxamed Cumar (Cabdillaahi Cadde).

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay hurinayaan colaadda beellaha ee aaggaasi ka aloosan, mase jirto cid madaxbannaan oo xaqiijinaysa arintaasi.

Dagaalka u dhaxeeya miliishiyo beeleedyadan ayaa horey dhawr xili oo kala duwan uga dhacay, deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Jalalaqsi iyo Mahaddaay ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply