April 28, 2025

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatariga Somaliland ay dhoolotus ka dhigay xerada Gorayo-cawl ee aagga galbeed, halkaas oo ay ku soo bandhigeen awooddooda ciidan iyo gaadda ka ciyaar.

Telefishanka Somaliland ayaa sheegay in bandhiggan loogu diyaar garoobayo xuska maalinta 18 ka May, oo ku asteysan maalinta Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ay sheegtay in ay dib ula soo noqotay dawladnimadeedii, kana go’day Soomaaliya inteeda kale.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa tagay xerada Gorayo-cawl, halkaas oo uu ku daawaday bandhigga ciidanka.

Sodoo kale Somaliland ayaa isu diyaarinaysa xusaska maalinta 18 ka May, oo sanad walba laga xuso magaalooyinka waaweyn.

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply