September 14, 2025

Wasiirrada Arrimaha dibedda todobada dal ee warshadaha ku horumaray ee loo yaqaan G 7 ayaa manta ku kulmaya jasiiradda Talyaaniga ee Capri, si ay uga xaajoodaan xiisadaha ka aloosan bariga Dhexe iyo Ukrain.

G 7 ayaa ka fiirsanaya in lacagaha ka xariran Ruushka lagu weeciyo Ukraine, si loogu naaxiyo dhaqaalaha lagu taageero dalkaas dagaalladu halakeeyeen. Waxay sidoo kale ka doodayaan codsi deg-deg ah oo ka yimid Madaxweyne Zelensky, kaas oo uu ku dalbaday in lagu xoojiyo difaaca cirka dalkiisa, si looga gaashaanto weerrada uga imaanaya dalka Ruuushka.

Dalalka G7 ayaa sidoo kale waxay ka baaraandegayaan cunaqabateyn ay ka mideysan yihiin oo lagu soo rogo Iran, iyadoo laga shidaal-qaadanayo go’aankii Midowga Yurub ay ku gaareen in dalkaas lagu giijiyo xayiraadda dhanka qalabka laga sameeyo diyaaradaha is wad aiyo gantaallaa. Iran ayaa waxaa loo haystaa weerarkii gantaallada ridada dheer ee dhawaan ay ku qaadday Isra’il.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply