Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo  gaaray goor dhawayd  magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Siciid Deni ayaa wararku sheegayaan in magaalada Nairobi uu  kulamo kala duwan kula qaadan doono  wakiillo katirsan beesha Caalamka oo fadhigooda yahay Nairobi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaana inta uu joogo magaalada Nairobi sidoo kale la kulmi doona saraakiil katirsan dowladda Mareykanka, kuwaa uu kala hadli doono xaalada burcad-badeeda dib uga dilaacday deegaannada Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan xaaladda isbeddelka leh ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha burcadbadeeda, argagixsada iyo xiisadda ka taagan badda cas, waxaana hadda ay u muuqataa mid wax ka beddalaysa siyaasadeedi Geeska Afrika ee 12 sano ee la soo dhaafey.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply