Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliya, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply