September 18, 2024

Mar ay xalay 8:00 fiidnimo u ahayd Bariga Afrika, Ameerikada Waqooyina ay maalin cad u tahay, ayaa hal mar waxaa isku beegmay dhabbeyaashii ay ku socdeen qorraxda iyo dayaxa, ka dibna mar qura ayey maalintii habeen isku beddeshey.

Dadweyne aad u tiro badan oo gashan muraayado madmadow oo loogu talo galay in ay indha ka dhowraan bikaaca ileyska aan isku dheellitirneyn, ayaa isku garbiyey dhul ku beegan marinka qorraxda, si ay marqaati uga noqdaan aayadaha Ileehey ee indhahooda oo shan ah isku beddeley.

Meeshii ugu horreysey ee laga arkay qorrax-madobaadka ayaa ahayd agagaarka magaaalo xeebeedka Mazatlán oo ku taal galbeed Meksiko, saacaddu markey dhankooda ahayd 11:07 (Shan saac oo maalinimo), markaas oo cirifka sare ee dayaxa uu qorraxda baalka saaray, dabadeedna uu kis kis ugu sii sikaday illaa uu gabigeed guud ahaan qariyey.

Malaayiin qof oo ku kala nool 3 dal oo nasiib u yeeshay in a goobjoog u ahaadaan dhacdadan ayaa isugu soo aruuray halka dhabbayaasha dayaxa iyo qorraxdu isaga soo dhaceen oo ku dhirirsan dhul gaaraya 4,000 oo Mayl, ballaciisuna yahay 155 Mayl.

Ka dib markii dayaxu kala dhex galay dhulka iyo qorraxda, unbaa mar qura dharaartii caddeyd waxay isku beddeshey habeen gudcur ah, taas oo dadka qaarba si uga falceliyeen. Dadka intooda badan qaylo iyo or ayey afka furteen, qaar yaab iyo amakaag ayaa ka soo haray, qaarna waxay garowsadeen in hawl ka weyn ay meesha ka socoto, Waxaa xusid Mudan in mudadii ugu dheerayd ee ay qorrraxdu daahneyd uu ahaa 4 daqiiqo iyo 28 ilbiriqsi.

BBC

 

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply