December 4, 2024

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

 

Dhacdada ayaa timid kadib markii Aabe 80 sani jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Khadar Tobac uu dilay wiilkiisa oo la oran jiray Maxamuud Khadar Tobac, kaas oo qabay baahiyaha gaarka ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in  muran uu soo kala dhex-galay, kadib uu aabaha soo qaatay qoray isaga oo rasaas uga furay wiilka qaybaha sare ee jirka, halkaas oo uu isla markii ku geeriyooday.

Sidoo kale aabaha ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana haatan baadi goobaya ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply