Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde lagu qabtay dad badan oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga, kuwaas oo cabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay labo nin oo dadkaas u tahriibinayey dalka Sacuudiga, howlgalkaan waxaa iska kaashaday booliska iyo hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

“30 qof oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga iyo 2 qof oo waday ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, saakay afar saac ayaa dadkaas la qabtay iyagoo raacaya diyaaradda Daalo oo u socda Sacuudiga, dhamaantood waxay ku jiraan xabsiga,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Korneyl Qaasin Axmed Rooble.

Sidoo kale  Afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo dad loo soo qabtay, waxaana ragga la qabtay ka mid ah koox Shabaab ah oo dil ka geystay deegaanka Garasbaaley.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply