Booliska ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan.
Hadalka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdishu oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka booliska Cabdifataah Aadan Xasan ayaa VOA-da u sheegay inay sugayaan ammaanka muwaadiniinta ciidaya, islamarkaana hadda aysan jirin qatar amni oo ay dareemayaan .
Hadalka afhayeenka ayaa ku soo aadaya Xili Qaybo ka mid ah magaalada muqdisho amaankeeda aad loo adkeeyay oo la dhigay dhagaxaan iyo Ciid cabsi laga qabo Qaraxyo.
Xafiiska wararka Muqdisho