September 12, 2024

 

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada JFS Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi).

Cabdiraxmaan Xudeyfi waa weriye weyn oo caan ka ah Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxaana lagu tiriyaa saxafiyiintii ugu horeysay ee burburkii kadib.

Dadka la soo shaqeeyey waxay ku tilmaameen nin muxtarim ah oo ku xeel-dheer inuu ku shaqeeyo xirfadiisa saxaafadda.

Sidoo kale Xilka loo magacaabay Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa horay u heyn jiray Cabdikariin Cali Kaar oo isna ahaa weriye hore, sidoo kalena ahaa nin aftahan ah oo shaqadiisa ku haboon.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply