Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay arrimaha ku geedaaman shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta uga qeyb galay magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya ay isku dayday inay ka baajiso madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay.

Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Cabdulqaadir Dige ayaa goordhow qabtay shir jaraa’id oo arrimahaas uu ku faahfaahiyey, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u suurta-gashay in si wanaagsan uu u gudbiyo khudbadiisa uu madaxda Afrika ugu sharaxay xadgudubka Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya.

“Madaxweyneaha ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhiga loo dhan yahay ee Midowga Afrika wuxuu ka sheegay in Itoobiya ay si aan leexleexad laheyn ugu soo xad-gudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, isagoo cadeeyey inay arrintaas ka dhalaneyso cawaaqib xumo saameysa xasiloonida gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Dige.

Xasan Sheekh ayaa intii uu jeedinayey khudbadiisa wuxuu hoggaanka Itoobiya ugu baaqay inay ka waantoobaan damaca indho-la’aanta ah ee aan u adeegeyn mustaqbalka labada shacab ee deriska ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u qeexday in waxaba aysan ka jirin marmarsiiyaha Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynuhu uu xusay sida ay ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay u qireen in damaca Itoobiya uu baal-marsan yahay shuruucda caalamiga ah, sida uu shirkaan jaraa’id ku sheegay Agaasime Dige.

“Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa Itoobiya ku tilmaamay mid aan si aan ganbasho laheyn u dooneysa ku xad-gudubka xoriyada dhuleed ee dalkeena, isagoo cadeeyey in Soomaaliya aysan marnaba qaada doonin wax hoos u dhigaya sharafteeda,” ayuu yiri Agaasime Dige.

 

Agaasimaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay hor-istaag ay ciidamada amniga Itoobiya ku sameeyeen isaga iyo madaxweynaha Jabuuti markii ay gudaha u gelayeen hoolka shirka madaxda Midowga Afrika uu ka dhacayey.

“Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ficilka guracan ee Itoobiya uu u wiiqayo xasiloonida gobolka, iyadoo Itoobiya ay falkaas kula kacday madax kale oo shirka ka soo qeyb galay,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaan jaraa’id ku cadeysay in dhacdadaan ay u aragto mid ugub ku ah mabaadii’da Midowga Afrika, iyadoo su’aal dul-dhigtay in Addis Ababa ay sii marti-geli karto shir madaxeedka dalalka Midowga Afrika.

Office Nairobi  Kenya

 

Leave a Reply