.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus maanta ka dhacay duledka Magaalada Kismaayo .
Dagaalka ayaa u dhexeya ciidanka maamulka Jubland iyo Alshabaab waxana uu ka socda degaanka Baar sanguuni ee gobolka Jubabada Hoose.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Ciidamada Jubbaland ay saakay Waabarigii u ruqaansadeen Deegaanka Baar Sanguuni oo ay Ciidamada Markii hore Fatahaado ugasoo baxeen Balse maanta ay laba jiho Ciidamada ka weerareen Deegaankaas halkaas oo dagaal adag ay kula galeen Alshabaab.
Sidoo kale Ciidamada Jubland ayaa ka gudbay dhanka Webiga halka Ciidamada qaarna ay Mareen Wadada Laamiga ee ka timaada dhanka Magaalada Kismaayo oo Fatahaadaha ay burburiyeen.
Xafiiiska Wararka Muqdisho