Waxaa goor dhawayd oo afurkii ahaa lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir Nabadoon Gaabow Buule Xasan.
Nababadoonka ayaa ahaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle waxaana caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dileen Nabadoonka, isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afun ayaa lagu dilay xaafadda Siligga Americkaanka ee degmada Wadajir, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilay marxuumka.
Sidoo kale Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii lasoo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u ahaa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu caawa ku geeriyooday.
Xafiiska Wararka Muqdisho