March 17, 2025

Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga maqlay Dhawaqa jug culus oo lagu sheegay madaafiic xili lagu jiray salaadii taraawiixda, kuwaasoo lagu garaacay agagaarka iyo gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay degan yihiin madaxda sare ee DFS.

Lama oga illaa hadda halka laga soo tuuray Madaafiicdaas iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay, laamaha amaanka DF ayaana weli ka hadlin.

Sidoo kale Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaaabo in bari ay dib u dhacaan duulimaadyada caalamiga ah ee iman lahaa garoonka Muqdisho, Al-shabaab ayaa Xiliyada Ciida iyo dhamaadka ramadaanka waxaa caado u ah in ay madaafiic ku garaacdo Muqdisho si loo ogaado inay wali joogto Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply