December 4, 2024

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo Maleeshiyaadka Alshabaab saakay salaadii Subax kadib ay kula waabariisatay degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Alshabab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku soo qaaday Degmadda Balcad halkaas oo ay gudaha u galeen qeyb ka mid ah Magaaladda.

Ilaa Seddax Saldhig oo ciidan & xafiisyo dowladda ah ayaa kooxda Al- Shabaab ay Weerareen, waxaana la sheegay in halkaas looga dilay ku dhawaad 5 Maleeshiyadka Al-shabaab ah oo isku dayay inay gudaha u galaan magaalad.

Sidoo kale Khasaare ayaa la sheegayaa inuu jiro laakiin lama hayo tirada sabab la xiriirta weerarkan oo goordhaw halkaas ka bilowday.

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply