Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.
Weerarkan oo ku bilaawday Qaraxyo ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan xerada iyo xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hub culus oo ay is weydaarsadeen labada dhinac, inta uu socday dagaalka dhex maray.
Sidoo kale Ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay maleeshiyadii Al-Shabaab ee beegsatay saldhiggaasi.
Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho