Wararka ka imaanaya degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya mn in xalay saqdii dhexe ay Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen degmadaas.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in hoobiyeyaasha ku dhaceen bannaanka hore ee Saldhigyada Ciidamada, hayeeshee weli aan la shaacin khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas.
Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa dhankooda uga jawaabay weerarka Al-Shabaab hoobiyeyaal ay ku garaaceen goobha ay Al-Shabaab madaafiicda kasoo tureen.
Office Nairobi Kenya