December 4, 2024

Aljeeriya ayaa cambaareysay qorshe ay Morocco ku dooneyso inay kula wareegto dhismaha safaaradda Aljeeriya ee Rabat.

Algeria ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Morocco 2021, iyadoo ku eedeysay xuukumadda Rabat inay taageerto “kooxaha argagixisada” ee ku lugta leh inay dab ka bilaabaan dalka.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa safaaradda la dhimay shaqaalihii safaaradda oo uu hoggaaminayay diblomaasi yar.

Jimcihii la soo dhaafay, Morocco ayaa ku dhawaaqday go’aan ay kula wareegayso hanti ay Aljeeriya leedahay oo ay ku jiraan dhul, guryo iyo xafiisyo ku yaalla Rabat, taasoo qayb ka ah kordhinta dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda.

Arrintan ayaa caro ka dhalisay Algiers. “Marooko waxay gashay waji cusub oo ah hab-dhaqankooda kicinta ah ee ku wajahan Aljeeriya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Aljeeriya ku sheegtay bayaan.

Xafiiska Wararka Muiqdisho

Leave a Reply