December 4, 2024

Al-shabaab oo saakay Mar kale weerar ku bilaawday Qaraxyo ku qaaday Xarunta Ciidamada Dowlada iyo kuwa Deegaanka ku leeyihiin deegaanka Daaru Nicma ee ka tirsan degmada Aadan yabaal .

Weerartkan oo ku bilaawday sida caadada u ah Al-shabaab Qaraxyo  iyo mid toos ah ayaa dhacay saakay salaadii subax kadib waaga inta uusan Baryin, waxa uuna ka dhacay deegaanka Daaru Nicma ee ka tirsan degmada Aadan yabaal  waxaana ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay Warar kala duwan.

 

Saraakiilsha Ciidamada ayaa sheegay in  ciidanku ay ka sii war heleen dhagarta in Al Shabaab ay ku soo socdaan, ka dibna ay xerada u baneeyeen.

Sidoo kale Dawladda Soomaaliya iyo laamaha amniga ilaa hadda kama hadlin, khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaarayna weli ma cadda.

\Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply