Maxkamadda G/Banaadir ayaa Go’aanka ka gaari doonto kiiska Luul Cabdicasiis ee uu Eedeysane ka yahay Sayid Cali oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo uur laheyd.
12- Duhurnimo ayey maxkamaddu go’aanka lu dhawaaqi doontaa! Waxaana ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda wada sugaya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska Marxuumada.
Sidoo kale amaanka Maxkamada Gobolka banaadir ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xadidan dadka iyo gaadiidka meesha marayo, waxaana 2 bil oo muran iyo is qabsi ku aadan kiiska luul la filayaa in saacadaha soo socda la soo afjaro.
Xafiiska Wararka Muqdisho