March 25, 2025

 

Warar dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxaya Askar ka tirsan Ciidamada bada maraykanka oo  la’yahay Gacanka Cadmeed toddobaadkan.

Askartan oo laba ah ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidamada badda Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Askartan oo qeyb ka ahaa maraakiib iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa doonayay in ay qabtaan doon la sheegay in ay leedahay Iiraan oo wadday hub sharci darro ah.

“Ciidamada Badda Mareykanka ayaa rumeysan in doonidaasi tahay mid taariikh u leh in hubka sharci darrada ah laga soo daabulo dalka Iran, lana geeyo Soomaaliya,” sida ay tabisay warbaahinta Mareykanka.

Sidoo kale waxaa warar kala duwan kasoo baxayaan nooca hub ee saarnaa doontaasi, ayada oo la sheegayo inay qeyb ka yihiin gantaaladda nooca ridada dhexe ah, kuwaasi oo ay farsameeyaan warshadaha Iiraan.

Office Nairobi kenya

Leave a Reply