September 9, 2024

Askarigii Booliiska ahaa ee shalay sida bareerka ah qodfka shacabka ugu dhex dilay goobta timaha lagu jaro islamarkaan baxsaday ayaa gacanya lagu soo dhigay.

Gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Daauud Bashiir Coloow kana tirsan ciidamada Dowlada ayaa soo galay gacanta Dowlada Somalia sida uu saxaafada u xaqiijiyay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya C/fataax Aadan.

Afhayenka oo maanta shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay in Ciidamada Booliisku waajibaadkooda guteen soona qabteen gacan ku dhiiglaha.

“waxaan ku wareejinay Maxkamada awooda u leh inay ku qaado xukunka u dhigma ciqaabtiisa”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

NInka shacabka ee la dilay oo magaciisa la oran jirey Siciid Cabsi Muuse Allaha u naxariistee wuxuu naftiisa ku waayay goobta tima jaraha isagoo ku soo horeeyay in la yiri waan kaa hor marayaa markii ay doodeen sidaa lagu dilay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply