Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS ay bilaabeen ciidamadooda howlgallo lagu ballaarinayo waddooyinka gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Ciidamada Uganda oo adeegsanaya Gawaarida loogu talagalay in lagu jaro geedaha waa wayn ayaa sameeyay howlgallo ay ku jarayaan geedahaas jidka soo galay si loo gududeeyo isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.
ATMIS ayaa Sheegtay in maamullada maxalliga ah & bahwadaagta horumarinta caalamiga ah ay kala shaqayso sidii kaalinteeda uga qaadan lahayd howlahaan ay qaybta ka tahay ballaarinta waddooyinka si loo jaro geedaha.
Sidoo kale Ciidamada Uganda waxa ay ka howlgallaan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaana waddooyinka qaar ay qarka u saaran yihiin in socodkooda uu u go’o Geedaha waaweyn ee hareeraha waddooyinkaas ka baxay.
Xafiiska Wararka Muqdisho