December 4, 2024

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Maxaed Cigaal, kadib  fadeexad Haraysay maalmo ka hor Garoonka Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay dhammaan xildhibaanad kulankan oo berri dhacaya, isla markaana su’aallo looga wayediin doono dhacdadaasi Wasiir Fardowso Maxamed Cigaal.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonkaAadan Cadde, iyada oo shacab fara badan ku xanibmeen garoonka qeybta Local-ka.

Sidoo kale Arrintan ayaa ka dambeysay markii shirkad lagu magacaabo Hornlink la soo kordhiyay, taasi oo nidaam cusub oo ay leedahay lagu shubayo xogta muwaadiniinta ka dhoofeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply